Ku saabsan koorsada
Koorsada Maareynta Walbahaarka waxay ka hadlaysaa fahamka walbahaarka, aqoonsiga calaamadihiisa iyo arrimaha keeni kara. Waxaad sidoo kale ku baranaysaa habab aad ku maareyn karto culaysyada nolosha, kuna daryeeli karto naftaada.
Maxaad baran doontaa?
- Macnaha walbahaarka iyo noocyadiisa.
- Calaamadaha walbahaarka iyo saameynta uu ku yeesho jirka, maskaxda iyo nolol maalmeedka.
- Arrimaha sababi kara ama kordhin kara walbahaarka.
- Xiriirka ka dhexeeya walbahaarka, cuntada iyo hab nololeedka.
- Fahamka culaysyada dhaqaale iyo sida loola tacaalo.
- Saameynta walbahaarku ku yeelan karo waalidnimada iyo xiriirrada qoyska.
- Habab lagu maareeyo walwalka iyo culaysyada maalinlaha ah.
- Sida loo diyaariyo qorshe kuu gaar ah oo aad ku maareyso walbahaarka.
Yaa loogu talagalay koorsadan?
Koorsadan waxaa loogu talagalay dadka doonaya inay wax ka bartaan walbahaarka iyo culaysyada ka dhalan kara shaqada, dhaqaalaha, qoyska ama waalidnimada. Waxay sidoo kale ku habboon tahay qof kasta oo doonaya inuu kobciyo aqoontiisa ku saabsan daryeelka nafta.
Maxaad ka faa’iidaysan kartaa?
Waxaad baran kartaa inaad garato arrimaha kugu kiciya walbahaarka, fahanto sida ay kuu saameeyaan, isla markaana samaysato qorshe aad aqoonta koorsada ugu dabaqdo noloshaada.
Ka bilow fahamka waxa ku culaysiya.
Iska diiwaangeli koorsada oo baro habab aad ku maareyn karto walbahaarka iyo culaysyada maalinlaha ah.
Casharrada koorsada
Cutubka 1aad
-
Hordhac
02:34 -
Casharka 1aad: Ujeeddooyinka cutubka
00:30 -
Casharka 2aad: Qeexidda walbahaarka
01:02 -
Casharka 3aad: Qaybaha walbahaarka
03:15