Ku saabsan koorsada
Hooyonimada Xasilloon waa koorso internetka lagu barto oo loogu talagalay hooyooyinka doonaya inay si wanaagsan u fahmaan dareenkooda, u daryeelaan naftooda, una xoojiyaan xiriirka carruurtooda. Koorsadu waxay soo bandhigaysaa aqoon iyo habab aad ku dabaqi karto nolol maalmeedkaaga.
Maxaad baran doontaa?
- Macnaha hooyonimada xasilloon iyo fahamka dareenka hooyada.
- Fahamka xanaaqa, walwalka, culayska, niyad-jabka iyo kalinimada.
- Saameynta xanaaqa hooyadu ku yeelan karo habdhaqanka carruurta.
- Sida aad waqti ugu samayn karto nasashada iyo daryeelka nafta.
- Hababka lagu xoojin karo xiriirka hooyada iyo carruurteeda.
- Dhegeysiga carruurta iyo dhiirrigelinta kalsoonidooda.
- Sida aqoonta la bartay loogu dhaqmo, looguna sii joogteeyo.
- Muhiimadda caafimaadka maskaxda iyo daryeelka nafta hooyada.
Yaa loogu talagalay koorsadan?
Koorsadan waxaa loogu talagalay hooyooyinka doonaya inay wax ka bartaan dareenkooda, daryeelka nafta iyo xiriirka carruurtooda. Waxay sidoo kale ku habboon tahay hooyooyinka la kulma daal ama culays, ee doonaya inay bartaan habab ay ugu maareeyaan hawlaha iyo masuuliyadaha maalinlaha ah.
Maxaad ka faa’iidaysan kartaa?
Koorsadu waxay ku siinaysaa aqoon aad ku fahmi karto dareenkaaga, ku baran karto habab aad uga jawaabto xaaladaha adag, kuna xoojin karto wada hadalka iyo isfahamka qoyskaaga.
Naftaada daryeelkeeda maanta ka bilow.
Wax ka baro dareenkaaga, daryeelka nafta iyo xiriirka carruurtaada adigoo raacaya koorsada Hooyonimada Xasilloon.
Casharrada koorsada
Cutubka 1aad: Waa maxay hooyonimada xasilloon?
-
Hordhac
01:52 -
Waa maxay hooyonimada xasilloon?
03:37 -
Fahamka nafta: Qaybta 1aad, fahamka dareenka
09:41 -
Fahamka nafta: Qaybta 2aad
12:48 -
Fahamka nafta: Qaybta 3aad
07:22